Hawlwadeen Suuq-Geeye (Marketing Officer) 4 Positions – Mogadishu, Somalia

Posted in

Daryeel Bank

Job Type

Full Time

Location

Mogadishu, Somalia

Description :

Hawlwadeen Suuq-Geeye (Marketing Officer)

Bankiga Daryeel, faraciisa Muqdishu iyo nawaaxigeeda waxaa ka banaan afar jago oo ah hawlwadeen  Suuq-Geeye (Marketing Officer).  Hawlwadeenada la raadinyo waxay ka kooban yihiin afar qof, oo loo kala qaadanayo laba darajo oo ka kala ah:

  • Suuq-Geeye Darajo Dhexe (Mid-Level Marketing Officer) 2 Hawlwadeen
  • Suuq-Geeye Darajo bilaw (Junior Marketing Officer) 2 Hawlwadeen

Hawlwadeenada ku guulaysta xulashada ee hela shaqadan waxaa fadhi u noqonaya faraca Trepiano, iyo hadba baahida Daryeel Bank ee gobolka Banaadir oo laga yaabo in fadhigooda uu noqdo Bakaaraha ama Xamar Weyne. Hawsha suuq-gelinta waxaa ay u badanaysaa in macaamiisha loogu tago, ama lagula kulmo meelwalba iyo marwalba goobta ay ku sugan yihiin.

Suuq-Geeye Darajo Dhexe (Mid level Marketing Officer)

Hawlwadeenka soo codsanaya jagadan waxaa looga baahan yahay in uu soo buuxiyo shuruudaha waxbarasho, waayo aragnimo iyo hawlgalnimo ee hoos ku cad

Waayo aragnimo iyo Waxbarasho

  • Waa in uu haystaa shahaado Jaamacadeed oo la aqoonsan yahay. Waxaa tixgelin leh takhasus Suuq-Gelin, Maamul, Maareyn, Public Relations, Culuumta Xisaabaadka iyo Computer Science
  • Machad ama machadyo takhasus ku qabaa waxbarasha Suuq-Geyn iyo Suuq-Gelin oo la aqoonsan yahay shahaadooyinka ay bixinyaan tixgelintooda ayay mudan yihiin
  • Aqoonta guud ee isticmaalka computer-ka, si gaar ah Word, Excel iyo emails waa muhiim
  • Shaqo suuq geyn muddo 2 ilaa 5 sanno in uu hawlwadeenku soo qabtay, oo leeyahay marag kac iyo caddeyn.
  • Shaqo bangi, hay’adaha ka shaqeeya lacagta, shirkado ganacsi, ama waayo aragnimo la mid ah shaqooyin u dhigma oo muddo ka badan 3 oo joogto ah tixgelinteeda ayay leedahay
  • Bangiga Daryeel wuxuu la jaanqaadaa waaqici jira, haddii ay jiraan hawlwadeeno karti iyo dadnimo u leh hal abuur iyo hawl karnimo tixgelinteeda ayay leedahay

Bankiga Daryeel waxaa uu raadinayaa hawlwadeen:

  • Daacad u ah hawsha loo igmado, run ka sheega wax qabadkooda, macaamiishana ula dhaqma wanaag, ixtiraam iyo dhaga nugeyl
  • Karti, hal abuur iyo dhabar adayg leh, ay ka go’an tahay in ay ka mari dhaliyaan horumarinta iyo suug-gelinta adeegyada bankiga Daryeel oo ugu horeeya isticmaalka App-ka YEEL
  • Firfircoon, dhaqan wanaag, iyo macaamiil kasbasho leh. Lagu soo hirto oo aan aan laga didin.
  • Wadar iyo wada shaqeyn ku wanaagsan. Marka uu hawlwadeeno kale la shaqeynayaa abuuri kara jawi lagu dardargeliyo hawlaha taagan, dhisi kara kalsooni dadka uu la shaqeynayo.
  • is diri kara oo aan u baahnayn in la dul taagnaado oo marwalba la gardaadiyo. Waa in uu kaligii gudan karaa waajibkiisa shaqo
  • Wax la bari karo, isxilqaami kara, diyaarna u ah in uu ku dhaqmo tababarka la siiyo.Si ay kalsooni ku jirta oo sahlan uu ugu gudbin karo macaamiisha adeegga uu gadayo
  • Tilmaami kara waxtarka uu macaamiilka u leeyahay bangiga Daryeel, si gaar faa’idooyinka adeegga App-ka Yeelka.
  • Waa in uu xiriir la leeyahay ganacsatada, hawlwadeenada rugaha caafimaadka iyo waxbarashada, NGO-yada si uu usoo jeedin karo, uguna soo xiro karo bangiga Daryeel

Suuq-Geeye Darajo Bilaw (Junior Level Marketing Officer)

Hawlwadeenka soo codsanaya jagadan waxaa looga baahan yahay in uu soo buuxiyo shuruudaha waxbarasho, waayo aragnimo iyo hawlgalnimo ee hoos ku cad.

Waayo aragnimo iyo Waxbarasho

  • Waa in uu haystaa ugu yaraan shahaado dusgis sare , laakiin shahaado Jaamacadeed oo la aqoonsan yahay waxay leedahay tixgelinteda.
  • Aqoonta guud ee isticmaalka computer-ka, si gaar ah Word, Excel iyo emails waa muhiim
  • Machad ama machadyo takhasus ku qabaa waxbarasha Suuq-Geyn iyo Suuq-Gelin oo la aqoonsan yahay shahaadooyinka ay bixinyaan tixgelintooda ayay mudan yihiin
  • Shaqo suuq geyn muddo 1 ilaa 2 sanno in uu hawlwadeenku soo qabtay, oo leeyahay marag kac iyo caddeyn.
  • Shaqo bangi, hay’adaha ka shaqeeya lacagta, shirkado ganacsi, ama waayo aragnimo la mid ah shaqooyin u dhigma oo muddo ka badan 1 sano tixgelinteeda ayay leedahay
  • Bangiga Daryeel wuxuu la jaanqaadaa waaqici jira, haddii ay jiraan hawlwadeeno karti iyo dadnimo u leh hal abuur iyo hawl karnimo tixgelinteeda ayay leedahay

Bankiga Daryeel waxaa uu raadinayaa hawlwadeen:

  • Daacad u ah hawsha loo igmado, run ka sheega wax qabadkooda, macaamiishana ula dhaqma wanaag, ixtiraam iyo dhaga nugeyl
  • Karti, hal abuur iyo dhabar adeeg leh, ay ka go’an tahay in ay ka mari dhaliyaan horumarinta iyo suug-gelinta adeegyada bankiga Daryeel oo ugu horeeya isticmaalka App-ka YEEL
  • Firfircoon, dhaqan wanaag, iyo macaamiil kasbasho leh. Lagu soo hirto oo aan aan laga didin.
  • Wadar iyo wada shaqeyn ku wanaagsan. Marka uu hawlwadeeno kale la shaqeynayaa abuuri kara jawi lagu dardargeliyo hawlaha taagan, dhisi kara kalsooni dadka uu la shaqeynayo.
  • Wax la bari karo, isxilqaami kara, diyaarna u ah in uu ku dhaqmo tababarka la siiyo.Si ay kalsooni ku jirta oo sahlan uu ugu gudbin karo macaamiisha adeegga uu gadayo
  • Tilmaami kara waxtarka uu macaamiilka u leeyahay bangiga Daryeel, si gaar faa’idooyinka adeegga App-ka Yeelka.
  • Waa in uu xiriir la leeyahay ganacsatada, hawlwadeenada rugaha caafimaadka iyo waxbarashada si uu usoo jeedin karo, uguna soo xiro karo bangiga Daryeel

Marag Kac – Referee

Hawlwadeenka soo codsanaya shaqadan waxaa looga baahan yahay seddex qof, oo aanay ku jirin xigto, oo la heli karo marka loo baahdo. Soo raaci 1. Magaca oo buuxa 2. Mobile Number  iyo 3. Email.

Damaanad

Hawlwadeenka soo codsanaya shaqadan waxaa looga baahan yahay qof damaanad ka noqda, oo la heli karo marka loo baahdo. Soo raaci 1. Magaca oo buuxa 2. Mobile Number  iyo 3. Email.

Nala Soo Xiriir

How to apply :

Haddaad leedahay waan buuxin karaa shuruudahaa kopr ku xusan, nagala soo dir codsigaaga oo ay weheliyaan galka noloshaada (CV): Email: hr@daryeelbank.com ugu dambayn 10-ka Oktoobar 2020.

F.G. Fadlan intaadan codsan shaqooyinkan si fiican iskaga akhri shuruudaha laga rabo qofka. Fadlan hasoo dalban shaqadan haddii aadan hubin inaad buuxisay shuruudaha shaqada.

Apply Now